• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

Oday somaliyeed oo ay da’diisu tahay 112 jir isla markaana guursaday inan 17 jir ah

axmedBoqolaal qof aya tagay xaflad arooska, dhex bartamaha Somaliya, oday 112jir ah iyo gabar 17jir ah.

Axmed Maxammed Dhoore oo ah odayga guursaday awxa uu haystaa hada 13-caruur ah oo u kala dhalayn ilaa 5-xaas. Waxana uu sheegay inuu haada doonayo inay xaaskiisa cusub Safiya C/laahi oo 17jirka u dhasho tiro kale oo caruur.

“Maanta waxa uu ilaah isuura galiyay riyadeda” ayuu yiri Dhoore markii uu arooskiisa ka dhacay gobolka Galgaduud.

Safiya oo ah gabadha la guursada ayaa iyana sheegtay “waxa ku faraxsanahay ninkayga cusub”.

Dhoore ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa, gabadha yare e guursaday ay tahay gabar si weyn u wanagsan, mudane ay isla daganayeen xaafad qura, uuna sugayay guurkan.

“Maanan xoogin iyada, laakiin waxa aan isticmaalay qibradeda, si aan jecelkayga ugu soo jiido iyadoona markii danbe guurkayna aqbashay” ayuu raacayay.

“xaaskayga waxa aan ka weynahay in badan oo ku lab-laabmaa, laakin qofken qofka kale si weyn ayuu u jecelyahay, ,waxana aamisanahay inan siin karo jecel ka badan mid uusan siin lahayn nin dhalinyaro” ayuu dhore u sheegay wakaladda wararka AFP.

Axmed Maxamed Dhoore ayaa BBC-da u sheegay inuu ku dhashay magalada Dhuuso-Mareeb 1897-dii , waxana uu kamid askari.

Arintan ayaa fajiciso ku reebtay dad badan oo aduunka ku nool, lana yaabay farqiga way nee u dhaxeeya gabdha iyo odayga guursaday oo aan isku dhaweyn.

Ahmed Muhamed Dore and his new wife Safia Abdulleh