• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

Bisad Tuugsi Cusub Oo Lacag baddan Ka Soo Gashay Ka Bilowday Magaalo Ku Taal Dalka Ruush-ka (Sawiro).

bisadBisadaan oo tuugsi cusub ka bilowday dalka Ruushka ayaa lacag aad u fara baddan soo xaraysay mudaddii ay wadada joogtay,ayadoona dadka wadada adeegsanayaa aysan dhaafeyn inay lacag siiyaan ma ahane,ayagoo aad ula yaabanaa qoraal ku qornaa waraaq hor taalay Bisadaan lacag doonka ah. Tuugsigaan la qurxiyay oo bisadaan Raashiyaanka ahi ay ka bilowday wado ka mid ah,wadooyinka ku yaal magaalooyinka Waa-weyn ee dalkaas,ayaa noqday mid lacag aad u fara baddan ay ka soo xarootay dad badana ka yaabisay.

Qoraal laga soo shaqeeyay oo lagu qoray Waraaq qoraal ah oo hurtaala Bisadda,ayaa waxaa ku qoran erayo qofkii aqriyaa uusan dhaafayn inuu lacag intuu awoodo ku rido ma ahane,waxaana ay u qornaayeen sidatan’Waxaan u baahnahay Lacag An Ku Doonayo Hilib Iyo Kaluun Waan Idin Tuugayaa Ee Ha I Dhaafina.

Bisadaan oo dhaqdhaqaaq an muujinayn ilaalinaysana lacagta ay dadku u kaalmeeyaan,ayaa la tilmaamay in dadkii xanaanaysan jiray ay ka diideen inay xoolo u qalaan isla markaana ay u xiiso qabto inay mar un sifiican u cunto hilib iyo Kaluun.