• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

ruuxi ugu da’da waynaa caalamka oo geeriyootay

habarWaxaa Jimcihi magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ku geeriyootay Gertrude Baines oo aheyd qofki ugu weynaa caalamka da’a ahaan.
Haweeyneydaan oo jirtay 115 sano ayaa ku geeriyootay cisbitaalka Western Convalescent Hospital ee magaalada Los Angeles waxaana dhimashadeeda sababay wadnaha oo istaagay sida ay sheegeen dhaqaatiirta cisbitalka.

Baines,oo sanadki hore ka sheegtay xaflad sanad guuradeeda ah in aysan maskaxda ku heyn in ay sii noolaato 100 sano oo kale ayaa waxa laga helay iyada oo meyd ah sariirteeda sida uu wakaalada wararka ee AP u sheegay madaxa cisbitaalka ay ku jirtay ninka la yiraahdo Emma Camanag.

Dr. Charles Witt oo ah dadka ku taqasusau Cilmiga Bulshada iyo Cilmi Nafsiga si aad ah uga war hayey xaalada Gertrude Baines ayaa sheegay in ay ugu danbeysay laba maalmood ka hor.

“Waxaan soo booqday laba maalmood ka hor waxa ay u muuqatay qof hagaagsan oo qaab ahaan muuqaalkeedu heer sare ahaa maskaxdeedu waxaa ay u muuqatay mid feejigan inkastoo ay dhoola cadeyneysay”ayuu usheegay Witt Wakaalada Wararka ee Associated Press.

Gertrude Baines ayaa dhalatay sanadi 1894 waxaana ay ku dhalatay deegaanka Shellman,Baines ayaa noqotay qofka agu da,da weyn caalamka horaantii sanadkaan marki ay geeriyootay haweeneydi ugu da,da weyneyd caalmka oo la oran jiray Maria de Jesus,Maria ayaa aheyd habar u dhalatay dalka Portugal waxaana ay ifka ka tagtay bishii January.

Haatan waxaa ah qofka ugu da,da weyn caalamka naag
Japanese ah oo jirta 114, sano,haweneydaan oo lagu magacaabo Kama Chinen ayaa ku dhalatay dalka Japan sanadi 1895.

Sida ay sheegtay warbixin ay soo saareen kooxda taariikhda iyo cilmiga jinsiga wax qora ah,qofki ugu da,da weynaa labadi qarni ee lasoo dhaafay ayaa aheyd haweeney la oran jiray Jeanne-Louise Calment.

Jeanne-Louise Calment waxay aheyd Faransiis waxa ku dhalatay magaalada Arler taariikhdu marki ay aheyd Aug. 4, 1997,waxaana ay dhimatay iyada oo jirta 122 sano sanadi 1997-kii iyada oo ku dhimataya magaalada Arles, ee dalka France.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s