• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

Nin xaaskiisaa qoorta uga jaray FACE-BOOK dartiis

imagesNin 31 jir ah oo u dhashay dalkaasi Ingiriiska kaasoo lagu magacaabo Brain Lewis ayaa si caro leh dunidii dhameyd ba uga haajiriyay Ooridiisa u dhixi jirtay, ka gadaal markii uu ku nacay isticmaalka waxa loogu yeero bogga calaf doonka ee Facebook-ga loo yaqaano, taasoo si aad ah haatan dunida daafaheeda looga isticmaalo.

Ninkan oo haatan lagu maxkamadeeynayo magaalada Cardiff Crown ayaa weli ku andacoonaya in xaaskiisa oo isaga u dhashay 4 caruur ah ay bedelatay darajada “Guurka” oo ay u bedelatay inay tahay “Doob”. Arrintaasna uu ka qaaday maseyr xoog badan oo ku dhalisay inuu miyirkiisii waayo isla markaana u geysto fal xanuun badan oo aysan sinaba uga soo waaqsan.

Dhinaca kale, qareen ka doodayay dhacdada ninkan Lewis la yiraahdo ayaa soo bandhigay cadeeyno la xiriira in haweeneyda Hayley ay si hoose u isticmaali jirtay internet-ka isla markaana ay rag badan kala sheekeysan jirtay Facebook-ga.

Sidoo kale, qareenku waxa uu intaasi ku daray in Mr Lewis laga hayo hadalo uu dhawr mar u hanjabi jiray xaaskiisa hadii ay aado meel uusan isaga ogeyn amaba u ay baqoosho hadii ay hadalkiisa ka madax adeyg tana uu gebi ahaanteedaba dunida dhan ka masaafurin doono.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s