• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

Nin Xarig ku muteystay Geel uu ku baarkin gareeyey goobaha Baabuurta loogu tala galay

geelNinkaan ayaa la tilmaamay inuu in muddo ah ku sugnaa Miyiga laga soo bilaabo yaraantiisii,isagoona maanka gashtay mar un inuu Magaalo madaxa la galo oo in baddan uu maqlayay. Markuu magaaladda soo cagga dhigtay ayaa la tilmaamay in daqiiqado inta uu magaaladda ku sugnaa xabsi yar oo caato ah uu galay kaas oo la soo tabinayo in ilaa iyo haatan u kujiro,ayadoona loo xiray sababo la xariira dhaqan xumo uu magaaladda la yimaaday.Magiciisa waa la qariyay balse wararka aynu ka helayno halka dhacdadaan ay ka dhacday ayaa tibaxaya in uu si khaldan Rati uu watay oo miyiga kala yimaaday u dhigtay goob loogu tala galay in la dhigto Gaadiika Sida aad Sawirkaba ku aragtaan

Isku soo wadda duuboo ninkaan ayaa la filayaa in la siidaayo oo isaga iyo rattiga uu wato dhib loo celin doona,ayadoona wararka ay tilmaamayaan inuu watay xoola kalayto oo uu ugu tala galay dadka Muslimiinta ah inay gataan sababo la xariira soo dhaweeynta bisha barakeesan ee Ramadaanka iyo so dhaweemta iidul fidriga

Arintaan ayey astaan u tahay dadka Muqdisho ku soo hayaamay 26 Janaayo 1991 kuwaa oo aan waxba dhaamin ninkaan Geela ku xirtay Barkinkii Baabuurta waxeyna cadeyneysaa magaalada joogxumadu in ay wax badan haleyneyso