• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

Nin 26 sano xabsi ugu jiray dambi la’aan

nin xabsi ku jiray 26

nin xabsi ku jiray 26

Nin u dhashay wadanka Mareykanka laguna magacaabo Alton Logan haddana 55 sano jir ah ayaa xabsiga dhexe ee magaalada Chicago laga sii daayey 26 sano kadib markii la ogaaday in uusan geysan falkii markii hore loo xiray.Warkaan ayaa waxaa qoray wargeyska Chicago Sun Times waxaana uu sii raaciyey in qaadiga maxkamada uu 26 sano kadib ku dhawaaqay in dambi uusan leheyn Mr Alton Logan si deg deg ahna looga sii daayo xabsiga, sababtana ay tahay in dambigiisii uu qirtay nin kale oo lagu magacaabo Andrew Wilson wax yar ka hor inta uusan ku dhiman xabsiga gudihiisa.

Falkan uu ku muteystay xabsiga 26-ka sano ayaa ahaa in uu dhac iyo boob uu u geystay mid kamid ah maqaayadaha cuntada fudud ee loo yaqaano Mc Donalds konforta galbeed ee magaalada sanadkiii 1982 iyo dilkii waardiyihii xiligaas shaqada ku jiray laguna magacaabi jiray Lowed Weclive.

Abuukataha gacanta ku hayey kiiska Mr Logan ayaa yiri “Qaadiga ayaa iga ogolaaday dib u eegista kiiskan iyada oo la racayo qaanuunka cusub ee gobolka Elenoy, kaas oo sheegaya in dib loo furi karo kiisas mudo dheer ka hor la xukumay sababtoo ah waxaa jiri kara dad aan dambi leheyn oo markaas uu ku dhacay xukun qalad ah”.

Mr.Logan ayaa hadda dib u helay xuriyadiisii 26 sano oo uu u xirnaa dulmi iyo gardarro, waxaana uu yiri “Ilaa iyo intii aan ku soo laabtay bulshada dhaxdeeda waxaan baadi goob ugu jiray shaqo in aan helo, walina maan helin sharikadaha oo dhan waa igu soo celiyeen dalabkeyga, sabatana aniga oo ahaa dambile 26 xabsi ku jiray, mudadaas dheer kadibna wax xirfad ah malihi hadda, waxaana isku dayaa in aan barto xirfad aan ku shaqeysto”.

Wargeyska Chicago Sun Times oo wax ka qoray Mr Logan.

Waa arrin layaab leh nin muddo 26-sano ah xabsi ku jiray, hase ahaatee ma ahan mid dunida ku cusub oo xitaa waxaa la heli karaa dad inta uu xirna Mr Logan ka badan xiran oo aan dambi laheyn.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s