• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

Archaeologist Masaari ah oo helay Meydkii (Qabriga) Boqoraddii Cleopatra Iyo ninkeedii Mark Anthony.

cilmi baare

cilmi baare

Archaeologist ama nin bartay qaab nololeedkii dadkii hore oo u dhashay dalkan Masar laguna magacaada Zahi Hawass ayaa helay soona saaray Waxyaabahii ka heray qabriga Boqoraddii xukumi jirtay dalka Masar kahor inka badan 2 kun oo sano lana oran jiray Cleopatra iyo ninkeedii oo ay jaceylka dartiis isku miidaamiyeen Mark Anthony.

Mr Hewass oo ayaa inoogu soo bandhigay goobta macbadkii Ilaahii faraaciinta aaminsanaayeen ee Osiris 10 qalfoof,  22 shilmaan ah Mask ama maasgaraado waji gashi ah nooca la isku difaaci jiray oo la rumeysan yahay inuu lahaa Mark Anthony oo ahaa ninkii qabay Cleopatra isla markaasna ay isku qabri ku wada jireen goob u jirta 30 mile Magaalada Xeebta ah ee Alexanderia.
Mar uu hadlayay ninkaan bartay baarista nolosha qaabkii dadkii hore  ayuu sheegay inuu aaminsanyahay inuu helay mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lasoo shaacbaxiyay qarnigan 21-aad maxaa yeelay waa jaceylkii weynaa ee u dhaxeeyay Boqorada iyo seygeedii Mark Anthony oo ay Imbaraadooriyadii Romanka isku diidaneyd kadibna ay isla goosteen ayna dagaal la galeen ayagoo rajo ka qabay inay ka guuleystaan maamulka Masar  iyadoo Cleopatrana ay waligeed awood qeybsi la sameyn jirtay Boqortooyadaasi oo la xasuusanyahay in ay jagadaasi ku heshay dhaxal ayna ninkeedii hore ee lagu magacaabi jiray Caesar Augustus awooda ay qeybsan jireen uuna amray in lasoo qabto labadaan qof ee isjeclaaday taasi oo keentay inay baxsadaan, oo ay soo bilaabaan dagaal ayagoo soo dhistay ciidamo balse ay askartii Romanku ka adkaadeen iyadoo si murugo leh uu iskugu gowracay seeftiisii Mark Anthony oo ahaa jaceylka Cleopatra laakiin Cleopatra oo ogaatay inay noolaan karin ninkeeda la’aantiisa ayaa waxey ku kacday fal ismiidaamin ah waxeyna durbadiiba kadaba cabtay sun aad halis u aheyd taasoo keentay inay isla geeriyoodaan hal mar balse Markii la keenay meydkoodii uu ogolaaday Caesar Augustus oo ahaa ninkeedii Ex dagaalna ay kula jirtay in isku meel lagu aaso iyada iyo jaceylkeeda Mark Anthony oo ahaa nin u yimid Masar Jaceylka Cleoparta daradiis balse u geeriyooday salfadayna nolosha Cleopatra oo caan ka aheyd dunida xiligaasi iyadoo awood qeybsi la sameyn jirtay Boqortooyadii aduunka xukumi jirtay ee Romanka waxaana sidoo kale lagu xasuustaa in Cleopatra ay u dirtay ergo Somalia xiligii ay xukumi jirtay Masar iyadoo looga keeni jiray Somalia waxyaabaha uduga leh ee la shito, ayagoo ula baxay Somalia Punt land ama dhulkii uduga

qalfofti zcelo

qalfofti zcelo

qabrigii lahuna

qabrigii lahuna