• somali music

    hees

    xeedho

    waayaha cusub

  • xamar.tk

    g

  • Somali youtube

    somali-youtube

  • opeco petroleum

  • xoghaye

    xoghaye.tk
  • BOOQDAYAASHA

    free counters

Haweenka u dhashay Jarmalka oo bisadaha ka jecel ragooda

naagoHaweenka u Dashay Dalka Jarmalka ayaa waxey sheegeen in ay ka jacelyihiin Rag ay Qabaan ama Ay saaxiibaha la yahiin Bisadaha ay xanaaneystaan oo guriga u jooga sariirtana seexsadaan. 

Cod bexin laga Qaaday Dumarka jarmalka ayaa waxey sheegeen Sadax Marka loo qeybiyo Qeyb ka mid ah dumarka Dalkaas in ay aad u faraxayaan marka ay la joogaan bisadahooda taas oo aysan Dareemeyn Marka ay la joogaan Nimankooda ama Saxiibadooda.

Haweenka Dalka Jarmalka u Dhashay ayaa waxey Sidoo kale Sheegeen in ay xitaa xaaladooda nafsi ahaan aad u wanaagsan tahay marka ay la dheel dheelaan Bisadahooda ayna dareemayaan jawi farxad iyo rayn rayn ah taasoo aysan ka heleen ninka ay la haasaawayaan.

Cod bixintaan ayaa waxaa kasoo horjeesday Dumar Badan oo ayagana Dalka Jarmalka u dhashay kuwaasoo sheegay in anan la isla meel dhigi karin Nin rag ah iyo Makulaal waxeyna sheegeen in ay raga Qabanayaan wax yaabo badan oo aan laga haleyn Mukulaalaha iyo Dhamaan xayawaanada Kale.

Arintan ayaa waxey ku noqotay layaab ku noqotay soomaali badan oo ku nool dalkaasi markii ay maqleen ayagoo sheegay inay tahay madadaalo laakin aysan aheyn jaceyl waxaana laga xusay gabar Soomaaliyeed oo kasoo horjeesatay in Bisahada ay ka fiicanyahiin ragga waxeyna sheegtay in Bisaddu kasban karin qof dhan oo bani aadam ah laakiin ay kasban karto shanbay kaliya (Curriga).