Dacwad la yaab ah oo aan horay loo arag ayaa ka dhacday maxkamad ku taal magaalada London taasi oo ay soo gudbiyeen koox dad ah oo ka cabanaya laba lamaane oo ay sheegeen in ay ka harsan wayeen oo ay qaylo ku dileen xiliga ay sameynayaan fal galmeedka .DAAWO SAWIRADAKooxaha la dariska labadasi lamaane ayaa ku doodaya in cododka shanqareed(Haarka) ee ka soo yeeraya labadasi lamaane ay tahay mid aad u sareysa oo ay dariska dhan maqlaan .
Groans Steve iyo Carolyn oo 48-dano jir ah ayaa lagu waramay in cod sareeya oo aad u dheer uu ka soo yeero taasi oo ka dhalaneysa fal galmeedka , iyadoo lagu waramay in codkooda ka dheer yahay kan Tv-ga .
Waxaa kaloo la leeyahay in xitaa dacwada ay qeyb ka yihiin qolyaha fariinta boostada guriga geeya, kuwaasi oo sheegay in shanqar codeed dareenka kicineysa oo aad u sareeysa labada lamaane ka soo yeerto .
Mid ka mid ah dadka dacwada ku oogaya labada lamaane ayaa sheegay in fal galmeedkoodu uu bilaawdo saqda dhaxe ee habeenkii muddo laba saac ama sdedex saacna ay soconeyso taasi oo hurdada ka qaaday .
Haweeney la daris ah labada lamane ayaa ku doodeysa in fal galmeedkooda uu yahay mid aan caadi aheyn oo xad ka bax ah lana is dhihi karo waa ka bad badin oo waxa aad moodaa haarka ka baxaya in labadooda uu hayo xanuun xoogan .
Iminka ayaa dowlada ingiriiska labadasi lamaane qolkooda ku xirtay (rakibtay) qalab kaasi oo qiyasaya heerka cododeed ee ka soo yeeraya Groans Steve iyo Carolyn xiliga farakacayaarayaan.
Waxaa la dul dhigay ganaax lacageed labaadsi lamaane iyadoo lagu eedeeyay in ay iska indha tireen dhibka ay ku hayaan dariska .
Labada laamane ayaa dib u cusbooneysiinayo xukunkasi oo ay sheegeen in uu ku tumanayo xuquuqul insaanka , laakiin qaadiga maxkamada ayaa ganafka ku dhuftay.
Carolyn ayaa dhankeeda ku doodeysa in aysan xakameyn karin qaylada ka baxeysa xilligaasi nolosha macaan ay ku jirto islamarkaana aysan garan karin waxa afkeeda ka soo baxaya .




Filed under: xasan










