Ninkaan ayaa dhismooyinka noocaan ah u adeegaday dhisidooda Istakiin Koolo uu iskula dhajiyo, asagoona maruu saxaafadda uga warbixinayay sheegay in halkii dhisme oo uu samaynayo ay ku qaadanayso muddo 6-billood ah. 38-sano jirkaan oo lagu magacaabo Stan Munro’s,ahaan jiranayn Barnaamij soo saari Tv,ayaa asagoo adeegsanaya Istakiin (toothpicks),waxaa uu farsameeyay dhismooyinka Caalamka ugu qurxoon oo ay ka midyihiin kuwa uu dhismahooda soo bandhigay Big Ben, Tower Bridge, Vatican, Sydney’s Opera House, Taj Mahal, Cutty Sark iyo kuwo kalayto.

Isku soo wada duuboo arrintaas cajiibka ah ee uu ninkaan soo bandhigay ayaa noqotay mid aad loo kala iibsado,ayadoona dadka badankood la tilmaamay inay aad ula dhaceen farsamadaan cusub ee uu soo bandhigay Stan Munro’s.

Filed under: Uncategorized










